Jump to content

User:Salmaan ahmed osma

From Wikipedia, the free encyclopedia

Salmaan ahmed osman waa wiil somali ku dhashay mugdisho somaliya, sanadka marka uu ahaa 6 august 1994, salmaan ehelkiis oo lagu magaabi jiray 5 stars ayaa waxay ka koobnaayeen 2 gabar & 2 wiil oo asaga la dhashaday iyo hooyo & aabe oo lagu kala magacaabi jiray duniyo cabdalla bunow, & axmed cismaan nuur, salmaan reerkiisa ayaa kasoo qaxay magaalo madaxda soomaaliya mugdisho kadib burburkii dawladda kacaanka, ayagoo markaa u amaan doontay degmadda afgooye ee gobolka shabeeladda hoose salmaan wuxuu kusoo barbaary gobolka sh/hoose ee degmada afgooye, halkaas uu ka baran jiray dugsiga quraanka kariimka iyo private school, salmaan wuxuu xiisan jiray kubbadda cagta isagoo yaraantiisa ciyaari jiray. Salmaan wuxuu yaraantiisa taageeri jiray xiddigii hore ee reer brazil luiz nazaro dellimo ronaldo, dadka qaar ayaa ugu yeeri jiray ronaldo asagoo u qaab ekaaday ronaldo mar madaxa laga xiiray weliba wuxuu lahaa ilkihii dhaadheeraa ee ronaldo. Sanadka marka uu ahaa 2000 salmaan & reerkiisa waxay ku soo laabteen magaala madaxda dalka soomaaliya ee mugdisho, kadib markii caasimadda laga dareemay saasaan nabadeed, salmaan & reerkiisa waxay dageen degmada waaberi, durba salmaan wuxuu meeshiisa kasii waday waxbarashadiisii dugsiga quraanka iyo private school uu ka baran jiray luqadda english-ka, sanadka marka uu ahaa 2002 salmaan wuxuu billaabay school primary ah oo lagu magacaabi jiray Al- mathal primary an secondary school sanadka marka uu ahaa 2013 salmaan ayaa ka qalan jibiyay dugsiga sare ee Al-mathal