User:Maxamed warsame abdi

From Wikipedia, the free encyclopedia

Mohamed Warsame Cabdi[edit]

Maxamed Warsame Cabdi wuxuu ku dhashay Dalka Somalia ( Jan 15 1992 ) ka dib markii u ku dhashay Magaalda Moqdishu ayaa waxaa sii siyaaday dagaaladii ka socday wadanka taaso ay aheyd goortii ay bilaabmeen dagaalada sokeeye ee wadanka ka bilowday 1991 Maxamed Warsame cabdi waxaa loo waday asagoo yar dhinacaa iyo Ethiopia halkaa uu maxamed warsame cabdi ku soo barbaaray ilaa 3 sanadood.

Noloshii Maxamed Warsame Cabdi[edit]

Maxamed Warsame Cabdi ayaa dib waxa uu ugu soo laabtay magaalada moqdisho 3sano ka dib Maxamed warsame cabdi oo daganaa magalaada moqdisho gaar ahaan Ceel-qalow ayaa waxa uu ku soo koray noloshiisa inta badan magaalada moqdishu waxana uu ka soo qalin jabiyay dalkiisa hooyo. markii uu sanadku ahaa 2003 ayaa maxamed warsame cabdi uu bilaabay qeybtii waxbarashada taasoo uu hami weyn u haayay in uu wax barto maxamed warsame cabdi ayaa waxa uu isku waday schoolka qur'aanka iyo schoolka laga barto farta somaliaga taasoo schoolkaas uu ku yiilay isla dagmada uu daganaa maxamed warsame cabdi. waxana lagu magacaabi jidhay schoolkaa waa school ay lahaan jirtay dowlada somalia waxaana ilaa haatan lagu magacaabaa Iskuul Jabuti oo halkaas uu ka bilaabay maadoonyin yar yar ila uu kala qabsado maadooyinka kale. iskuulkaas waxa uu ku bixi jidhay intiisa badan luqada Somaliga ah maadooyinka dhan ilaa laga reebo carabiga iyo Englishka. Maxamed Warsame Cabdi Ayaa waxaa lagu waramaaya markii uu gaadhay fasalka 6aad xaalad amaan daro looga bixiyay schoolka ileyn halka uu iskuulka ku yaalo waa meel qatar ah oo dadka badanaa lagu dilo Ayeeyadii Maxamed Warsame Cabdi ayaa waxay u xawishay iskuul kale oo isna u dhow Guriga uu dagan yahay Maxamed Warsame Cabdi kaasoo lagu magacaabo Cimraan Bin Husain taasoo cimraan bin husain uu ahaa school Intiisa badan luqada carabiga ahi Wax lagu barto maxamed warsame cabdi ayaa heer waxa uu ka gaadhay iskuulka carabiga ahaa taasoo in badan uu isku dayay in uu sii siyaadiyo luqada carabiga ileyn luqada carabiga ahi waa luqada ay ku qodhan tahay Quraanka Kariimka Ahi Maxamed Warsame Cabdi ayaa waxa uu galay iskulkii waxaana uu ka bilaabay iskuulkaasi Nasiib wanaag fasalka 5 ileyn waxaa uu wax ku badhan jidhay maxamed Luqada somaliga ahi markii laga qaaday maxamed warsame cabdi imtixaanka ayaa waxaa la sheegay in wiilkasi uu imtixaankiisa uu ahaa 90% ileyn waxbarashadiisa aya waxaa dhinac kala waday Aabihii oo ah macalin weyn ah ilaa haatanna wax ka dhiga iskuulka SYL ee hatan ku yaala Gobolka Banaadir. Maxamed Warsame Cabdi aya waxaa la sheegay fasalkii uu ka bilaabay ilaa uu ka gaadho fasalka 9 uu galayey kaalmaha ugu sareya ee schoolka laga galo kaalmaha 3aad 2aad 1aad markii ugu danbeysay ee uu galo kaalin ayaa waxa la shegay inay aheyd kaalintaas mid lugu gudoonsiiyay abaal Marin wanaagsan taasoo keentay in maxamed uu sii kordhiyo waxbarashadiisa Maxamed Warsame ayaa bilaabay inuu isku xero dad badan taaso schoolka ay ka jirtay firqo u gaar ah Anaashiidka Markii maxamed La arkay firfircoonidiisa ayaa waxaa uu macalinka ku daray dadkii dhinac kaa qaadayey anaashiidka taaso lagu qaadayey Luqada Carabiga ahi maalin walba oo qamiis ah la qaadayo anaashiid si loo muujiyo in uu leeyahay schoolka arday firfircoon maxamed iyo saxiibadiisa qaadi jidhay anaashiidka ayaa waxaa loo wadayaa meelo kala duwan ee gobolka banaadir iyo hodanba maxamed iyo asxaabtiisa ayaa waxay noqdeen kuwa iskuulka lagu daydo oo ah dad firfircoon isaga iyo mid kale lagu magacaabo Liibaan. mar walbaa maxamed waxa uu isku dayi jidhay si uu dadka qalbigooda u hanto taasoo ah mida kaliya ee aad dadka kula dhaqmi karto mar walbaa waxaa uu qaadan jidhay xisooyin dheeraad ah taasoo macalimiinta intooda badan ay saaxiibo ahaayeen maxamed macalimiinta ayaa faa'ido gaar ah siin jidhay ardayda ugu firfircoon faslka ama schoolka oo idil liibaan iyo maxamed iyo kuwa kaloo badan ayaa maalintii qamiista ahi waxay u iman jidheen in loo faa'ideeyo maaadooyinkan ( Xisaabta,scienceka iyo maadada kale ee maalin walbaa oo qamiis ahi ay sameeyaan kucelis ama tijaabo oo ah anaashiidka) Macalin magaciisu yahay Faysal Buule ayaa waxa uu ka saacidi jidhay maalin walbaa oo qamiis ah Anashidka si loo soo saro ardaydaas maxamed iyo goupka kale oo saaxiibadiisa ah ayaa waxay noqdeen dad ku dayasho mudan oo dadkoo dhan tusaalo u noqday iyo ardayda schoolka dhigata oo idil. markii danbe ayaa Maxamed warsame waxa uu arkay inuu ku firfircoon yahay luqada carabiga ahi hadana wuxuu doorka saaray wuxu doorka saaray ama waalidkii ka codsaday inuu tago school lagu magacaabo Al-imra oo ku yaala KM4 schoolkaasi waxaa laga bartaa luqada englishka ahi taaso uu caan ku noqday dalka soomaaliya oo idil qof walbaa waxa uu rajeynayaa inuu tago schoolkaa si uu u barto luqada caalamiga ahi ee Englishka Maxamed Warsame Cabdi ayaa waxa uu bilaabay schoolkaasi 5/8/2005 maalin ay ku beegan tahay qamiis ayaa waxaa laga soo qoray scholkaas is uu u bialaabo maalinka sabtida ahi. maxamed warsame ayaa waxaa uu qaatay korso englishka ahi taasoo uu dhigi jiray korsadaasi macalin lagu magacaabo Cabdirisaaq British oo caan ku ah luqada Englishka ahi isaga iyo mr balck oo inta bdan ay qoraan casharo englsh ah taaaso ardayda u fududeyneysa inay wax bartaan oo ayna ku ceshtaan markii ay guriga u laabtaan si aysan isaga lumin waqtigooda. Maxamed Warsame Cabdi ayaa waalidkii waxay yihiin dad aad u jecel wax barashada Qoyskooda oo idil. Maxamed Warsame Cabdi ayaa waxaa uu ogaaday schoolkan uu haatan baranayo uu leeyahay farac kale oo ah Machad weyn lagana barto maadooyinka oo idil laguna magacaabo Al-Imra Primary and Secondry School ee ku yaala Taleex oo maxamed warsame cabdi isagoo soo dhow qalin jabintii luqadii uu halkaas ka qaatay korska ayaa waxaa uu ogaaday schoolkaas oo u dhow meesha uu haatan wax ka baranayo inay isku dhow yihin si qarsoodi ah ayuu wuxuu ku soo arkay scholka halka uu ku yaalo maalin Isniin ah saacaduna ay ku beegan tahay 4:00 goortaas oo ay u soo dhamaaneyso xisadiisa. markii uu soo arkay arinkaa ayaa waxaa uu durbadiiba u sheegay aabihii oo macalin waagaa ka ahaa school ku yaala Suuqa Weyn ee Bakaaraha iskulkaas oo lagu magacaabo ( Unicom ) waxaana uu dhigi jiray Aalada casriga ah ee computerka. Maxamed ayaa waxaa la gudonsiiyay shahaadii Luqada Englishka 16/6/2006 Hotelka saxafi ee ku yaala KM4 ee magaalada Moqdisho. Ka dib markii uu Maxamed Warsame Cabdi uu gudoomay Shahaadadiisii ayaa waxaa uu iska qoray mudo isbuuc ka dib Meeshii uu macalinka ka ahaa Aabihii taaso keentay maxamed warsame cabdi in uu bilaabo barashada Computerka isagoo ka bilaabay qeybta hose ee lagu magacaabo Softwareka. Softwareka sida aynu ognahay waa xubin ka mid ah computerka loona baahan yahay inaad si fiican u fahanto adigoo isku dayaya inaad ku fahanto luqada englishka ahi ileyn computerka waxa uu ku shaqeeyaa waa luqada englishka maxamed warsame waxa uu englishka ka haystaa fikrad u saamaxeysa inuu fahmo aalada computerka hadii aadan fikrad ka heysan aalada computerka waa ay dhib badan tahay inaad fahanto casharada oo idil 6 bil ka dib ayaa maxamed warsame cabdi waxaa la gudoon siiyaya shaahaadadii Computerka hadana muusan is dhiganee waxa uu bilaabay isla schoolkaas inuu ka bilaabo barashada Hardwareka waa qeyb aad u muhiimsan taasoo loo baahan yahay inaad ka qaadato xita fikarad ileyn waa qeybta ugu muhiimsan ee computerka laguna magacaabo Motherboardka sida loo sameeyo ama loo cilad bixiyo hadii adigoo jooga gurigaaga uu kaa istaago computerka mahan inaad raadiso qof kuu sameeyaa waa inaad isla meeshaa ku sameysataa computerkaaga Maxamed Warsame Abdi aabihii oo fikrad fiica u leh computerka Software,Hardwareka,Networkingka,Programmingkaba Maxamed Warsame Cabdi oo markii uu ka soo laabto iskuulada hadana guriga Aabe ugu celinaya casharada dhamaantood hadii ay noqoto dhinaca Al-Imra Primary and secondry school ama dhinaca computerka Ugu danebeyntii ayaa maxamed Warsame Abdi la gudoonsiiyay shahaadoyinkii Hardwareka iyo softwarekaba 9/25/2007 markii uu soo qaatar shahaadooyinkiisa ayaa waxa uu ka noqday schoolka caawiye oo uu caawinayo ardayda dhinaca typinka ama qoritaanka keyboardka ka dibna waxa uu noqday caawiye softwareka oo uu caawin jidhay Aabihii Warsame Sh Cabdi Abanur Hardwareka waxaa dhigi jidhay mid lagu magacaabo CXC oo utaagan Cabdulaahi Xashi Cartan oo asaga iyo walaalkiis ay lahaayeen iskuulka, ka dib markii uu maxamed warsame uu dhameeyey iskulkii computerka uuna caawiye ka yahay haatan ayaa waxa u soo hadhay iskuulkii al-imra oo uu lugta la galay fasalka From-2 3-25-2008 waxaa uu noqday mr maxamed Secondry school haatan waxaa sii xumaatay xaalda aaga km4 taaso ay ku soo siyaadeen Dagaalo aan hore looga baran iyo Isdil aanan xad laheyd oo qofkii laga shakiyaaba lagu dilayo halkaa Meel walbana ay lugta kula jiraan Qolada Al-shabab oo dhalinyarada soomaaliyeed ay wada noqdeen kuwo ku halaagsamay dagaalo iyo is qarxin aanan la aqoon sababta laysku qarxinayo intaa ka dib waxaa timi in dhalinyaradii oo idil ku biiraan Al-shabab Waxay noqotay ugu danbeynti waxaa dhacaday in dhalintii ay isla dhiganayeen iskuulka maxamed warsame cabdi ay ku biiiran Al-shabab oo ah qolo ka soo horjeeda Dowlada Somalia Iyadoo xaalada sidaa u qasan tahay ayaa Maxamed Warsame Abdi waxa uu aaday dhinacaa iyo wadanka Saudi Arabia