Jump to content

User:Sheekh Mohamed

From Wikipedia, the free encyclopedia

Sheekh Mohamed Sheekh Moalin (Qulqule)wuxuu ku dhashey Gobolka Bay ,degmada Buurhakaba tuulo katirsan oo lagu magacaabo Luta sanadku markuu ahaa 1908,oo deeegaan u aheyd.malaaqii beesha Eelaay.oo lagy magacaabi jirey Malaaq Haydar Ibrahim Xasinow. Sheekh Moamed aabihiis Sheekh Moalin Ibrahim Moalin Nuurow (Sheekh Moalin Qulqule).ayaa tuuladaas wuxuu ka ahaa Sheekh iyo Maolin quraan. Dhoor sano ka dib.malaaqii Beesha Eelaay wuxuu dhul aad u balaaran oo hadiya ah lsiiyey.Sheekh Moalin (qulqule). Sheekh Moalin qulqule wuxuu u guurey dhulkii uu Malaaqa siiyey.wuxuuna ka aas aasey tuulo lagu magacdarey Beladulamiin,waxaa tuuladii soo degey dad aad u tirabadan.misaajid ayaa laga dhisay,oo cilmiga noocyadiisa kala gedisan lagu barto.

!915 ayaa waxaa tiirabi u timid Sheekh moalin qulqule,asagoo safar ku maraya tuulo ay qaraabadiisa degentahay oo lagu magacaabo Sheewkaa oo 25 KM u jirta magaalada baydhabo.geerida kadib waxaa la isku raacay in lagu aaso tuuladiisii Beladulamiin. Sheekh Moalin Qulqule Xaaskiisii Amina Moalin Adan Kalif Meerow.oo markaasi u haysey 2 wiil oo la kala yiraahdo Maxamed iyo Said Osman. Moxamed wuxuu jirey 11 sano isaga ayaana uguweynaa. Amina Moalin Adan aaad ayey ugu naxdey geeridii ku timid seygeedii.sababtoo ah aruurteedii oo aad u yarya.iyo ninkeedii oo ahaa sheekh aad iyo aad loo jeclaa,kana tagey kutubo aad u farabadan oo diini.